Mahadinta Eebe waa darajo koraysa; waa hadaf lagu tartamo; waana aflaxaad caana oo in yar oo addoomiisa ka mid ahi ku baraarugsantahay. Wakhti walba, mahadinta Eebe, ku xisaabtan bay leedahay: Farxad iyo jacaylna waa laga korodhsadaa; dhibaatada ayey saartaa, guul iyo dagganaan caafimaadna way keentaa. Sharka ama khayrka aannu ka warhayno iyo ka aan dareen inoogu imanba Eebe ayaan uga mahadinaynaa; kana codsanaynaa in midna naga xayuubiyo midna noo waasiciyo.
Dareen wanaagsan oo mahadda Eebe ah waxaa ku maansooday (AUN) C/laahi Suldaan “Timacadde,” waxa uuna dareenkiisan ku soo tebiyay qaybta maansada ugu hiyi-kaca weyn oo ah “Geeraarka.” Geeraarkan oo culayskiisa aan dhulka laga hinjin karin ayaa muujinaya sida Geeraarshuhu (AUN) aftahan guun ah u ahaa; aqoon baaxad weynlana u lahaa dhan walba oo cilmi ku sar-go’anyahay. Geeraarkan oo runtii cajaa’ib ah nala dheegta, kuna waaya arka oo mahadda Eebe aanu wada badino:
DHAGAYSO
Geeraar waa igu ceegoo
Waa igu ciiddan Dubaarroo
Waa ii caanaha geeloo
Way cir horey i diraacoo
Way caleenta dhiraaye
Ilaahii cirka taagaye
Dayaxiiyo cadceeddiyo
Xiddigaah ku cigaalayow
Ilaahii Caadil ahaaye
Dhulka caynkan u daadshaye
Ku culaysiyey buurto e
Isagoon cidi joogin
Casiiskii Nebi Aadan
Ka abuuray cammuuddo e
Cidhifkaa bidixdiisa
Intuu caaro ka jeemay
Cadki Xaawa ka yeelayow
Ilaahi Caadil ahaaye
Ciyaarsiiyay buxuurto e
Ceejiyee amar siiyayow
Casiiskiisi Suleymaan
Dabayshau carbiyayow
Ilaahii Nebi Ciise
Cilmigiisa ku qaadaye
Cashaduu iman doonana
Cawar seef ugu dhiibayow
Casiiskiisi Ayuub
Cudurkii uu ku raajay
Marki uu caban waayey
Caafimaad ugu doorshaye
Curuuqdiisii dhammaatiyo
Raxmaddii ku dul caastay
Cimrigoodi yareeyaye
Cusbeysiiyey jidhkoodo e
Caruusiinta ka yeelayow
Casiiskii Nebi Yuusuf
Caruurtuu la dhashoy e
U kaxaystay cayaarta
Markay ceel ku rideen
Ciidan oomman u keenayee
Uga saaray Cajuula
Casiiskiisi Nebi Luud
Kuwii caasi gareeyay
Amaba ceebta yiqiinnay
Habeen cawda u gooyayow
Ilaahi carshigiisa
Cashadii miciraajka
Sallalaahu calayhi
Wa calaa ahlu baytihi
Mustafaha ku casuumayow
Ilaahi Caadil ahaaye
Cabdihiisa ahaynow
Waxba kuu caban mayno e
Adigaa Caalimul-qaybo e
Wax badan baan cudcudnaynoo
Kufaartii cadcaddayd iyo
Col kaloo madmadow oy
Isu caynad yahiinniyo
Isticmaar na cunaayayoo
Carradaad nagu beertay
Cashuur baan bixinaynayoo
Cidhiidhaan ku jiraynayo
Cunahay na hayeeno
Cadkii wuu na dhamaadaye
Imaankoon cawarrayn iyo
Cidaamkaa na fayoobe
Calankaan ku su’aalliyo
Cizigii la socday
Haddaad caawa na siisay
Casiisow waa mahaddaa
Xog: Aftahan.org / Codkii Geeraarshaha (AUN) oo aan saabka hoygasuugaanta.com ka helay.
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:
Y W M X M Y
ala ha unaxariisto timacade waa ninka kaliya een suugaantiisa u isticmaalin qabyaalad lamana hayo qof uu si toosa ugu caayay waxa uu u istic maali jiray goobabada nabada iyo waxyaabaha wan wanaagsan oo dhan suugantiisuna waxa ay inta badan salka ku haysaa diinta islaamka hadii ay soomalidu kaga dayan lahayid dabeecadiisa waxba ma qudhmeen soomlida dhexdeeda
Posted by ilyas | Sunday, February 22, 2009, 8:04 AMWaan ku salaamnay Ilyaas,
Sadaqta saaxiib; Soomaali wax kama “qudhmeen” hadday geesigaas dabeecaddiisa oo kale lahaan lahaayeen.
Jidhidhico.
Posted by Jidhidhico | Sunday, February 22, 2009, 7:48 PM