Ramadaan Kariim
Inkastoon isku mar halakan lagaga wada warami karin abwaanada ummadeena suugaantooda ugu digtay, tustayna waddada ku haboon ee loo marayo nolosha farxada iyo raynrayntu tahay, haddana waxaa inoo furan kolba abwaanka aan suugaantiisa hayno inaan idiin soo daabacno, oon isla wada dhugano.
Markanna waxay diirradu qabatay abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo isagu ka daalin baraarujinta umaddan sanadahanba hurdada dheeraysatay. Waxaa uu abwaanku masafo xogogaal ah ka tiryey xaalka ay Soomaalidu soo martay, imikana ku sugan tahay. Waxay masafadani xambaarsantahay wadaninimo sarraysa oo in yar oo dadkeena ka mid ahi ku sifoobi karto — sidaan ka garawsan karno isla masafadana; dadka wadaninimada lagu sheegayaa waa inta wanaaga iyo keli-ahaanshaha Soomaalida ka shaqaysa. Waxba yaanan sii kala furfurin ujeeddada iyo dulucda masafada e, idinkuba waydun arkiye, ku soo dhawaada.
inkastoo sabaanadan saranseer lasoo maray
amu soomalhaadiyo jiray saxal Rabbaaniya
amay saar xanuuniyo suruc inagu raageen
ummaduna sax iyo khalad kala saari waayeen
ma saluugo midabkiyo sinjiga iyo magacoo
Soomaali baan ahay ummadaha la siman eey
salka ugu shisheeyee Eenefdhii ku simaniyo — (NFD)
saaca Koonfureedoo saaciido taalliyo
sintaa Bari Galbeedkiyo sabarrada Waqooyiga
ummadaa ku siman ee siqiir iyo kabiirba leh
kala sooci maayoo way wada sookeeyoo — (waa ii wada sokeeye oo)
Soomaali baan ahay an seeraarin karine
inta sawracaygiyo sawirkayga aragtiyo
intii sax ii tiqiinee hore iila socotiyo
inta sawdku gaadhee suugaanta maqashiyo
inta soofka raacdee baadiyaa ku sugan iyo
inta saraca beertee wax-soo saarka barataba
salaan baan u dirrayaa iyo sacabo furane
waddankanan dulsaarrahay sadkiisana ku noolahay
ay Sawjaddaydiyo sabigaygi joogaan
ifka intan ku suganee saamuhu jiraan iyo
naftu goortay socotee iilka layna seexsashaba
dani seeta weeyee saldhiggeeni waa kano
sankaan uga daloolaa Soomaalinimadaa
sawdkaan aqaanaa Soomaali weeyoo
sinjigayga dhalashadu Soomaali weeyoo
samayskayga Aadane Soomaali weeyoo
ruuxaan salaamaa Soomaali weeyoo
sad waxaan laquutaa Soomaali weeyoo
saaxiib waxaannahay Soomaali weeyoo
gogoshaan ku seexdaa Soomaali weeyoo
cagta meeshan saarraa Soomaali weeyoo
jidhka meesha lay saraa Soomaali weeyoo
ma oggoli safaadkiyo kala soociddoodaa!
hayeeshee wax baa si’ah kulli shay’an sababba ah
Saadirkeennu yidhiyoo suuradaa ku taaloo
siciidkiiba shiqibkaa saddexlaab ka badanoo
waddankii saruu kacay sumcaddana ku horemaray
inuu haatan seeriyo sagxad iyo daleel tago
soo maaha saldanaddi saboolnimo la dhaafsaday?
Soomaali baan ahay siifallana ma galinee
qabiilkii la saacidee saxansaxada loo filay
sahayduu dhalaayaa ma sun baa ma daawaa?
goortaad wuxuu sido saadaalin weydeen
saxariir adduunyiyo seegitaanka aakhiro
saw ma naqon dad-weynow labadaa siyaabood?
si kastoo la yeelana isa seegi maynoo
Soomaali baan ahay sarrif kuma galaayoo
subacyadii kaleetiyo “saaxirkii” gumaystaha
saanyaday dhulkeenee shanta saab ku kala riday
iyadoo sidoodii Saddex wali ku maqan tahay
Labadii ka soogsade saan-caddaalihii riday
Labadii suminniyee shilinka isla soo baxay
saafsaaf dambeetiyo in sanaati loo rogo
sheekada siqiirkay wadaan saan-madoobuhu
waa sagaaro kurus liyo sacab timo ka baxayoo!
saddex magac ilaahay kama siisanaayoo
Soomaali baan ahay runta kama sinaysto
markii sabanu jaahili dadka lagu sifayn jiray
samaantiyo xumaatadu dadku uma sinnaynoo
sah qabyaaladeedoo saameeya majirinoo
sokeeyihiyo xididkaa fara siman ahaayoo
martidoo la soorraa waajib sarre ahaydoo
saska iyo jidh-diiddada sidan kuma ahaynoo
gobonimo sal adagaan suulin baa u tiillayoo
samir iyo dulqaadiyo sarriib buu ahaayoo
Soomaali baan ahay sooyaalki jecelee
safafki waayo-araggii ama soojireennadi
sayn-caddaadiyaashii sidriguu fiyoobaa
wixii aan su’aaliyo jawaabtay i siiyeen
sida daacadnimaday farta iigu saarreen
iimaan sal la hahiyo saddaqdu ban ku raacoo
Soomaali baan ahay ka saxeexan dunidaa
sifihii xorriyadiyo calankeena saxardiid
sakarraatul mawdkiyo saxariirki loo maray
safafkii gumaadmayey sik-kiimeen cadaawuhu
intee bay siqiir iyo sabi aynu leennahay
sidii xoolahoo kale sayladaha ka iibsheen?
intee sigatay waayadi saxariirtay goorii?
Anaan wada sarsari karin kumanyaalki sababood
dadkii suubbanaayee salafkiyo dhibkaa maray
saagootis iyo duco umaynaan saj-jalinoo
naftooday u sababeen abaal lagama siinino
Ansa saydhi maayoo ka sagsaagi maayoo
Soomaali baan ahay waana ii sajalantee
taariikhda solinki’i waxa aad sabbaysaba
kuniyoo sagaal boqol sannadii lixdamadii
soohdimii xidhnaan jiray markay laba sifoobeen
isu soo bixii iyo saaccaday is raaceen
isma odhan sansaankii sifir buu ku noqonoo!
Soomaali baan ahay sidi-dhibiqle necebee
ummadoo samaan iyo saamaxaad ku wada nool
suntii lagu abuuriyo sirtii shicibka loo dhigay
markay saaqday beladay sambabada u geliyeen
salka-geeddigii qaxa soohdimaha la kala xulay
kuwii soofsadee Yurub sakatiggi la’aadiyo
saf Ameerikaan iyo Oroba u sadcaamiyo
Afrikadan sinteena’a dantu waxay u sahashaba
wali saacad meel kale siyaaro uma teginoo
Soomaali baan ahay dhulka saakin ku ahaa
sabaan aakhirkeenniyo ilbaxeeni saayidey
siifad iyo shar mooyiye siinad lagama dheefine
saad waxaad ka dhigatiyo sahaydaan dhammaanayn
aadmiga sal iyo baar nabad baw sariir oo
Rabbi wuxu ku siiyaan sina looga maarmayn
iyo samafalkoo idil iyadaa u sidatoo
sadeeqadiyo raaxada sal-dhiggooda weeyee
saxansaxo udgoon iyo soo noqo bishaaroy
soo haabo barakiyo sagal caafimaadow
suuskiyo munaafaqa Rabow soo hadeeyoo
haddii kalena naga saar sadhayntiyo sharkoodoo
Allahayow na samo yeel isuna kaaya sakhiroo
ku salliya Rasuulkii (scw) Rabbinaw sujuudoo
saamaxaadna kala hela waa sidaa danteenuye
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:
Discussion
No comments yet.