Ramadaan Kariim
Shaqsiyaadka suugaanta, siiba maansadu, ay lafta iyo dhuuxa jibaaxday ayaa iyagu si taxaddar leh u daalacshay ceebta ummada Soomaaliyeed haysatay, haysatana maanta — kana faallooday cawaaqib xumadu inay gudaha ummada ka aloosanto. Waxaa maansoyahannadaa kamida abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo hoga-tuska murtidiisu ka weecweecan danaha guud ee ummada Soomaaliyeed — kana kaaftoomay hoggaga ba’an ee holaca buufiya ee maansada. Waxa uu Jaamac markii uu dadka Soomaalida hoos u dayey ka yidhi: “Dadkani gaalana maaha; Muslin diinlena maaha,” waxa uuna jiiftadaa ay labadaa hal-ku-dhegyo ku jireen ka daba keenay masafo. Masafadan – oo uu abwaanku mariyey kadib markii ay rag fara badan wada murmeen (malahayga ku murmeen dulucda masafada oo magaceeda laga dhadhansan karo) – ayaa magaceedu yahay, “Bal car sheega gaallada; Sheyga aad ku dhaantaan,” waxayna si hufan uga waramaysaa mashaqada Soomaalida haysata, mar haddii dawlad wax kala wada la waayey. Masafadan oo aan ka qoray cajal (muuqaal ah) abwaanka lagaga qabtay oo aan saabka Golkhatumo.com ka helooday ku soo dhawaada, sifiicanna u dhugta.
Nimanyahow shaniyo toban Qodoboo shuruudo ah
Oo shaliyo maantaa Baritona shalayto ah
Oodan shamalka saarteen Shimbiruhuna ooyeen
Oo shaasha miidhanoo Shawahaaddu kaw tahay
Haddaynaan ka sheexinee Shurko waliba loo yahay
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Shafkoo layska toogtiyo Shirrabaadda geerida
Shibba nimaan waqiis gelin Shaaraca in lagu dilo
Shilkaas aan dhamaan iyo Shilada ladaynahayn
Haddaynaan ka sheexinee Shurko waliba loo yahay
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Shaqsiyaad musaafura Ama shaqo u soo baxay
Sharna aan samaynine Shaambinaaya laamiga
Inaad shilimadoodiyo Sharaftaba ka qaaddaan
Haddaynaan ka sheexinee Shurko waliba loo yahay
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Shacni male qabyaaladi Shifo haddaad ka dhigateen
Shirriidnimiyo reer hebel Shaalka haddaad u sidataan
Shanqarli’iyo dheeraad Shabaabkii la kala dilay
Alayl iyo shaafiyaad[?] Sheekaba ka loolayn
Waa in loo shihiidaa Sheer haddaad ku noqoteen
Haddaynaan ka sheexinee Shurko waliba loo yahay
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Xantu waa inoo shaah Beentuna sharaaboo
Shirkaa lala fadhiistaa Shaadhna looma geliyo e
Shaki malehe waa camal Shaydaanku leeyee
Haddaynaan ka sheexinee Shurko waliba loo yahay
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Xaasidnimadu waa shuush Iyo shiilo naara ahe
Cudur sheelan weeyoo Ku shakaalan uurkee
Shaybihiyo dhalaankiyo Shabbadihiyo hooyada
Shiikha iyo shariifkaba Inaad xumo ka sheegtaan
Ruuxii shabcaanaba Noloshiisa shuuftaan
Dad Iblayska shaabaha Sheeddana Islaam ka ah
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Dadku inuu shaqaystaa Sharaftiisa weeyee
Wax shukrigu ku wacanyahay Shilinkii xaalaal ahee
Shaababkiyo* ganacsiga Wada shuurinaayaa
Shixnad kaliya ruuxii Shaariqa ka soo raray
Shardigiisu waa ribo Cirka lagu shareero e
Waxaad shuuqsanysaan Rabi shaahid weeyee
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Shanta iyo lixdii qodob Shuruudaha u waaweyn
Shadka iyo madkoodii Iyo shaqalladoodii
Shafeecadiyo camalkaba Iyagaw shuhuudo e
Ma oga shareecaddu Inaan qaar shaxeexno e
Inaan siinka sheegtaan Oo aad shiinka qarisaan
Haddaynaan ka sheexinee Shurko waliba loo yahay
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Aadmigu shaxbuu dhigay Sharcina waa samaysteen
Meelna kuma shakaallee Duniduu ku shaacaye
Qodobada Shin-dhaladkay[?] Ummaduhu ku shawraan
Shandad haddaad ku qarisaan Ama aad shaadir gelisaan
Ama aad shallow ka tuurtaan Iyo waliba shaanshaan
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Qabqablahaad shamaalkiyo Dabaylaha u sheegtaan
Nin qudhihi dabuu shiday Shook lagama qaado e
Haddaad qaar shibaab iyo Shookada u noqotaan
Oo aad shaxaaddaan Shawaalkana ku xidhataan
Oo aad lana shaqaysaan Badna shiqib tidhaahdaan[?]
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Dawladnimada shaaximan Shug markaad ka siiseen
Shiiqiseen xornimadii Iyo calankii shaac baxay
Nabaddii shoolad lagu riday Dabadeed shib laga yidhiye
Shinnidii tarmi lahayd Shicibka xoolihiisii
Shabaabkiyo dhaqmaatiggii Laga gaday shisheeyaha
Dhirteenii shuf tahayoo Geedihii la wada shiday
Shucuurtii wadaninimo Hadday tahay shadaaf madhan[?]
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Sabaannadan shiigee Shuftadiyo hunguriga ah
Qarniyadan shaqaaqada Shibbanuhu ku xidhanyahay
Sharaftii aad dhigataan[?] Shaag haddaanun riixayn
Oo aad shanshanda iyo Shiluxyada is goysaan
Oo aad shabeel iyo Shisheeye isku noqoteen
Oo aadn shukaantiyo Shirka lagu heshiinayn
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
Shanqadhahan gumaysiga Shalaqbaarka mooddeen
Sharad iyo illaa Qarab Shucaac haddaad ku noqoteen
Ood shabaqa hoosiyo Shillalka isa saarteen
Ood shaniyo toban sano Waxba sheegi weydeen
Shuux inaan tihiin buu Shucuubtiina ka arkayee
Inuu idinku soo shabo Idinkana shukaansado
Oo uu shoodhayaal helo Shoolada idiin galo
Shatigana idiin qoro Iyo waliba shaabuug
Sharaftiina weeyiyo Shaabbad idinku taala e
Bal car sheega gaalada Shayga aad ku dhaantaan?
—————
[?] — ma hubo in sadaradaasu erayadii ku saxnaa wataan.
* — shops, ama dukaanno.
__________________________________________
Miisaanka (Tusmada) Guud ee (Badida) Meerisyada Maansadanu waa:
Abwaan jaamac kediyo suugaantiisu waa mid maalin walba kor u socoto kuna gelinayso yididiilo cusub iyo inaad sii jeclaato, ilaahay ba
waanka ha noo daay aamiin.
Posted by Abwaan Maxamad Bashiir | Friday, September 5, 2008, 4:33 PMsxb horta waad salaaman tihiin dhamaantin walala waxaan idinka codsanahayaa gabaygiii abwaan jaamac kediye cilmi ee ahaa *Saadaal* hadii aad haysaan
sida iyo nabad gelyo
Posted by faarax axmed | Saturday, December 20, 2008, 3:20 AMSxb Faarax,
Gabaygaa ma anaananu qorin, balse isagoo cod ah, waxaad ka heli kartaa Golkhatumo: http://www.golkhatumo.com/maqal.htm
(Dhanka midigta, Jaamac Kediye Calidhuux iyo Aadan Carab ayuu ka hooseeyaa.)
Nabad caano leh ayaan kuu dhaafnay.
Posted by Jidhidhico | Saturday, December 20, 2008, 4:33 PM