Suugaan
AGARAR: Bulshooyinka Aadanuhu waxa ay ka simmanyihiin lahaanshaha dhaqmaatin ku sal leh nolosha deegaammadooda iyo luuqado. Dhaqanka iyo luuqaddooda ka sakow, bulsho kasta oo goob cayiman kaga nool unuunka waxa ay wadaagaan magac. Magacan, oo ah dhaxal-xidideedka luuqda, ayaa inta badan ku seesan hab-nololeedka ay bulsho leedahay—amma, lahaan jirtay. Sida uu magacan u da’ weynyahay ayaanu u koobanyahay, amma u gaabanyahay.
Haddii aad isku mashquuliso sida uu magaca “Soomaali” ku yimid, waxa jirta in uu erayga “Soomaali” yahay eray dhallan-rogan, kaas oo asal ahaan ahaa laba eray oo la-is-ku ladhay: “Soc” iyo “maal” oo la macno ah: xoolo (soc) ku nool (maal). [Macnaha erayga ee kan ka duwan ee ah "caanaha soo maal" waa iska diciif.] Waxa uuna erayga “Socmaal” amma “Soomaal” sifeeyay oo qudha dadkii erayadoodu ay kamid-ka-ahaayeen “soc” iyo “maal” ee xoola-dhaqatada ahaa, eena degganaa geeska Afrika—haddii kale, Oromada amma Canfarta xoolo-dhaqatada ahaydba waxaa loogu yeedhi lahaa: “Soomaali.” Xaqiiqadu halkayse ceegaagto Eebbaa inaga war og.
ξ
SUUGAAN: Suugaani waa dhuuxa iyo “labeenta” luuqadda, oo ah xidhiidhka oraaheed amma qoraaleed ee Aadanaha. Haddii aannu si’ kale u dhignana, suugaantu waa béér ay bulsho kastaayi fashaan, goostaan, haddana kaydsadaan—kuna kaydsadaan dhigaallo iyo oraah-ka-soo-gaadhyo dhaylo iyo gaamurba ah. Suugaan dhamaanteedna waxaa loo kalaa qaadaa laba hab oo kala ah: tix iyo tiraab.
Tixdu waa suugaanta ugu muunnada weyn ee afka. Waana suugaanta kooban, haddana cufan ee tebiska oraaheed ammaba qoraaleed. Muddooyinkii aan far-Soomaalida la qorin iyo intii ay qorraydba, tixdu waxay xambaarsanayd masuuliyadda ah kaydinta dhacdooyinka bulshada Soomaaliyeed la soo dersay—sababtuna tahay, in ay hal meel ah ku kulmiso Murtida iyo Maansada labadaba.
Murtida: Waa suugaanta badida ku dhex aasan maansada; waxa kaloy gashaa, oy raadad ay kamid tahay maahmaahdu ku leedahay, qaybta tiraabta ee suugaanta. Murtidu waxay ku koobnaan kartaa hal weedh ah oo qudha; mararka qaarna baashash idil ayey buuxisaa. Hilinka murtida waxaa ku soo aroora: Maahmaahda, Hal-xiraalaha, Hal-ku-dhegga, Hal-hayska, iyo Hal-qabsiga (Abdi 2008).
Maansada: Waa suugaanta leh miisaan, hab-dhac, iyo xaraf-raac. Maansadu waxay u hoorantaa meeris meeris, waxa ayna isugu duba-ridantaa tuduc tuduc, illaa ay kolka uga dambeysa ka noqoto maanso kaamilan, oo leh magac iyo curiye hal-abuuraheeda ah. Maansada Soomaaliyeed waxay u kala bax-baxdaa laan laan; waxayna laan waliba leedahay (mid illaa) dhawr farraar oo kala duwanaanshahoodu ay xukunto kala jabka shaqal-dheerayaasha ee meeriska—farraar kastana waxa kasii laallaada caleemo. Maansooyinka illaa haddeer laamaha ay yihiin la garan ogyahay waxaa ka mid ah: Gabayga/Guurowga, Jiiftada, Masafada, Geeraarka, Buraanburka, Salsalka, iyo heesaha ay kamid ka yihiin: Heesta Mooyaha (iyo dhawrkeeda waji), Heesta Maqasha, Heesta Geela (iyo dhawrkeeda waji) iyo maansooyin iyo heeso (hees-hawleedyo/ciyaareedyo) kale oo farabadan. Maansada waxaa fure u ah miisaan ku tiirsan shaqallada meerisyada la bar-soocanayo. Guud ahaan, maansadu waxay suugaanta qaybaheeda kale kaga fadlisay waa luuq iyo jiib, iyo waliba xallad iyo farshaxan dummadan oo adayg-fahan iyo koobnaanba leh—maansadu waa tix asal ah.
Tiraabtu waa suugaanta aqooneed ee kor loogu qaado socodsiinta wax-garasheed ee Aadanaha. Sidaas daraadeed, adeegsiga tiraabta (iyo tixdaba) waxa ay khasabtaa in la cuskado erayo habboon, naxwe habboon, iyo waliba ujeeddooyin meel-mar-ah (Abdi 2008). Tiraabta waxa kale oo loo cuskadaa dhigida tacliinta, aan waayo-aragtinimada ruuxeed kaliyaata ah ku koobneen e, gaadhaysa heer baadhitaan, ama goshiyeed (Abdi 2008). Tiraabta waxaa hoos yimaadda: Waraaq-qorista, Codbaan(qudbad), Curis(composition), Curis-sare(essay), Deexasho(rhetoric), Sheeko(novel), Maqaal(article), Warbixin(report), Faallo(comment), Intifaallo(debate), Warfaallo(commentary), Baanise(super-argument), War-baan(statement), Falanqe(discussion), Faaqidaad(critique), Gorfayn(super-critique), Dihadhig(thesis), Taabadhig(dissertation), Xogjeedis(lecture), iyo w.c.b (Abdi 2008).
——————————————————————————
XOGYAAL:
Cabdi, Siciid Cabdillaahi: “Af-Haaneedka Soomaaliga”—http://af-haaneed.blogspot.com