Latest Post

Muxammad Cali

Toddobaatan sano ayuu baarka ka gooyey (17 Jannaayo, 1942dii ayuu dhashay). Anna tixdan beydeynta ah ayaan ku darsaday u hambalyayntiisa. Gobannimo madoowgaaga, gibil aad u dhalatooy dhe Gacan aad ka celisooyna, geesinnimo dadnimadaa dhe Eebbe Guulle bixintiisa, Muslinnimo ku galladoow dhe Hadal gara markuu sheegtay, ka xabsiga u galayow dhe Kalsoonida guddoonkeeda, gudahaaga sudhayoow dhe Garashada … Continue reading »

Xiiseed

  • Maansada soo socota ee uu magaceedu yahay "Darkanow" waxa ay jalleecaysaa mashaqada ku habsatay Soomaali sanadihii labaataanka ahaa ee tegay. Waa isweydiine, Soomaalidu miyey ka daashay is dilid iyo dawdarro? Miyey ka yaqyaqsootay: is boob iyo hoggaan xumo? Miyey ka garaadogoysay damac iyo kala dudis? Miyeyse ka kortay dabadhilifnimo iyo u adeegista danayste arxangoys ah? Haddii kale, waa iska dhabannahayska aan hadhaynin! (more...)
  • "Galangal" waa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 1970kii. Waxa uu Hadraawi gabaygan ku muujiyey taageerada ay ummada Soomaaliyeed u haysay shucuubta Indoo-Jayna (Fiitnaam, Laa'us, Kaamboodiya), kuwaas oo dagaal 20 gu'ood jiitamayey (1955 - 1975) libin u diiday quwadaha reer Yurub iyo Maraykanka. Gabaygani gorfayn uma baahna, oo isaga ayaa is furfuraya, taariikhdana si wacan u sunkaya. Sidoo kalena, Abwaanka ayaa ka warramaya dulucda uu gabaygu ka duulayo, iyo waliba ahmiyada heer-abwaannimo ee uu gabaygu u leeyahay Abwaan Hadraawi. Dhagayso, dhugo, akhrisona gabayga "Galangal": (more...)

Door

Soomaalidu...waxay ku kala duwantahay baa aad loo raadiyaa waayahan danboo dhan—waxa ay isugu imaan karto,oo ay mid ku tahay..., umadaha [kalena] kaga duwantahay lama raadiyo inta badanoo waa laga warwareegaa—, dan laga leeyahayna garanmaayo anigu." — Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.